Saturday, April 9, 2016

Xog Kooban oo Ka hadleysa Deegaanka Baalade

Deegaanka Baalade waa deegaan aad u ballaaran, meelaha ugu muhiimsan deegaanka baalade waxaa kamida Toga weyn ee baalade, Ceelasha baalade oo aad u tiro badan, Aaga Gaaca oo ah aad dalxiiska ku wanaagsan lehna illo biyoodyo aan go'in Warro biyo jiifeen ah iyo Biyo dheceeno, beero iyo kaymo waaweyn oo jiq ah oo dalxiiska iyo tamashlaha ku wanaagsan, Deegaanka baalade wuxuu leeyahay ugu yaraan ilaa 700 (toddobo boqol) ooo beerood oo isugu jira beer cawsaadyo, beero Khudaareed xiliile ah iyo beeraha waaweyn ee ma guurtada ah ee geed miroodku ka boxo.

No comments:

Post a Comment