Tuesday, April 12, 2016

Xog Kooban oo Ku Saabsan Deegaanka Baalade

Deegaanka Baalade waa deegaan aad u balaaran oo qaybo deegaan oo kala duwan leh, meelaha ugu muhiimsan deegaanka baalade waxaa kamida Toga weyn ee baalade oo lafdhabar u ah guud ahaan deegaanka, Ceelasha baalade oo aadu tiro badan, Aaga Gaaca oo ah aag dalxiiska ku wanaagsan oo leh ilo biyoodyo aan go'in, Warro biyo jiifeen ah, Biyo dheceeno, beero iyo kaymo waaweyn oo jiq ah oo dalxiiska iyo tamashlahaba ku wanaagsan, Deegaanka baalade wuxuu leeyahay ugu yaraan ilaa 700 (toddobo boqol) oo beerood oo isugu jira ● Beero Cawsaadyo ● Beero Khudaareed Waqtiile ah ah Iyo ● Beeraha waaweyn ee ma guurtada ah ee geed miroodku ka boxo. Waxaa kaloo deegaanku leeyahay ilaa 200 oo Xijji oo Isugu jira Beeyo & Maydi Iyo Inta badan geed xabkeedyada kala duwan. Deegaanku wuxuu leeyahay maraaxil (Fariisino) so jireen ah oo badeecadaha lagula kala wareegi jiray walina lagu la kala wareego, waxaana ka mida maraaxishaas ● Fariisinka Gubato ● Fariisinka Gerible ● Fariisinka Isha gaaca ● Fariisinka Ceelasha Baalade. Deegaanku wuxuu leeyahay dhowr tuulo waxaana ka mida • Tuulada Conqor • Tuulada Ri'yi heshay Iyo • Laas deero (ex bosaso kantarool) Oo hoostaga deegaanka Waxaa kaloo jira Meelo aad u fara badan oo la deegaamaystay Aanse heer tuulo gaarsiisnayn, ilaha toga baalade waxay ka soo shubmaan buuraha kore ee soo foorora ee deegaanka Habeeno (Habeeno Plateau). Sidoo kale togu wuxuu qayb wayn ka daboolaa dhulka magaalada Bosaso ku fadhido oo uu ku leeyahay ilaa boqolkiiba Labaatan (20%). Waxaana loogu magacdaray toga iyo deegaanadiisa qaybo badan oo magaalada Bosaso gudeheeda ka mida sida Barxada magaalada oo loogu magacdaray Gaaca oo ah Aag ka mida deegaanada toga, Xaafada baalaade, saldhiga baalade, suuqa baalade, Iskoolka baalade, wadada baalade, meelahaan iyo meelo kale oo aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Bakhaaro dukaano meherado huteelo farmashiyayaal iyo meelo kaleba ayaa ka mida meelaha loogu magacdaray toga iyo deegaanadiisa. Togu wuxuu dhab ahaan qiimo badan u leeyahy nolosha ka jirta magaalada bosaso iyo nawaaxigeeda, Bosaso oo ah magaalo xeebeed deked ah, Ajaaniib iyo soomaali fara badani ay u soo ganacsi iyo xoogsi doonteen, toga baalade iyo deegaanadiisu waxay qabilaan xilliga Bad xiranka ee aysan waxba dhoofin dhamaan xoolaha kala duwan ee ku xayirma Maxjarada iyo xerooyinka magaalada ee badu ka xirantay dhulal cawsaadyada la kaydshay ee togu si waafi ah ayeey ugu filan yihiin dhamaan xoolaha dhoofka ka baaqday tan iyo inta la gaarayo xiliga bad furanka xiga, Runtiina arintaani muhiimad weyn bey u leedahay samata bixinta dhaqaalaha iyo duunyada ummada soomaaliyeed Iyo in bosaso ahaato magaalo ganacsi soomaaliyeed ee gaamurta lehna damaanad qaad xaga nolosha iyo quudka Xoolaha. Dhanka kale Toga waxaa ku yaal Ceelka shirkada "Gumco" oo ah shirkada keliya ee biyaha siisa magaalada bosaso dhowaanna waxaa la fili karaa in Isha weyn ee Gaaca oo ah qaybta dhexe ee toga la gasoo qabto biya nadiif ah oo macaan oo magaaladu cabto. Intaas ayaan ku soo koobayaa qaybaha toga baalade uu ka koobanyahay iyo Ahmiyadaha uu u leeyahay nolosha ummada soomaaliyeed. FG: Qaybaha uu ka kooban yahay deegaanka baalade, Ahmiyadaha uu u leeyahay degaanku nolosheena Iyo meelaha oo iisticmaalay magaca deegaanka lagu ma soo koobi karo qormooyin dhowr ah kumana dhama qormadan balse Si kooban ayaan Idiinku soo gudbinay ahmiyadaha deegaanka, qaybo kamida deegaanadiisa Iyo meelaha lagu samiyay magiciisa. Walaal hadii aad rabtaan inaad soo gudbisaan macluumaad ku saabsan deeganka baalade waxaad ku soo dira kartaan E-mail-kan. baalade7@gmail.com Qormadaan iyo qormooyin kale oo ku saabsan deegaanka dhowaan waxaa la gelin doonaa barta Wikipedia. Dhamaaad

No comments:

Post a Comment