Sunday, April 17, 2016

Xog Ku Saabsan Deegaanka Baalade


Deegaanka Baalade waa deegaan aad u balaaran oo qaybo deegaan oo kala duwan leh, meelaha ugu muhiimsan deegaanka baalade waxaa ka mida Toga weyn ee baalade oo lafdhabar u ah guud ahaan deegaanka, Ceelasha baalade oo aadu tiro badan, Aaga Gaaca oo ah aag dalxiiska ku wanaagsan oo leh ilo biyoodyo aan go'in, Warro biyo jiifeen ah, Biyo dheceeno, beero iyo kaymo waaweyn oo jiq ah oo dalxiiska iyo tamashlahaba ku wanaagsan, Deegaanka baalade wuxuu leeyahay ugu yaraan ilaa 700 (toddobo boqol) oo beerood oo isugu jira
● Beero Cawsaadyo
● Beero Khudaareed Waqtiile ah ah Iyo
● Beeraha waaweyn ee ma guurtada ah ee geed miroodku ka boxo.
Waxaa kaloo deegaanku leeyahay ilaa 200 oo Xijji oo Isugu jira Beeyo & Maydi Iyo Inta badan geed xabkeedyada kale ee kala duwan.
 Deegaanku  wuxuu leeyahay maraaxil (Fariisino) so jireen ah oo badeecadaha lagula kala wareegi jiray walina lagula kala wareego, waxaana ka mida  maraaxishaas
● Fariisinka Gubato
● Fariisinka Gerible
● Fariisinka Isha gaaca
● Fariisinka Ceelasha Baalade.
                                       
Deegaanku wuxuu leeyahay dhowr tuulo waxaana ka mida
                                       
• Tuulada Conqor
• Tuulada Ri'yi heshay Iyo
• Laas deero (ex bosaso kantarool) Oo hoostaga deegaanka
 
Waxaa kaloo jira Meelo aad u fara badan oo la deegaamaystay Aanse heer tuulo gaarsiisnayn wali,  

ilaha toga baalade waxay ka soo shubmaan buuraha kore ee soo foorora ee deegaanka Habeeno (Habeeno Plateau).
Sidoo kale togu wuxuu qayb wayn ka daboolaa dhulka magaalada Bosaso ku fadhido  oo uu ku leeyahay ilaa boqolkiiba Labaatan (20%). Waxaana loogu magacdaray deegaanka iyo deegaanadiisa qaybo badan oo magaalada Bosaso gudeheeda ka mida sida  Barxadda magaalada oo loogu magacdaray Gaaca oo ah Aag ka mida deegaanada deegaanka, Xaafada baalaade, saldhiga baalade, suuqa baalade, Iskoolka baalade, wadada baalade, meelahaan iyo meelo kale oo aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Bakhaaro dukaano meherado  huteelo farmashiyayaal iyo meelo kale ayaa ka mida meelaha loogu magacdaray deegaanka iyo deegaanadiisa.
Deegaanku wuxuu dhab ahaan qiimo badan u leeyahy nolosha  ka jirta magaalada  bosaso iyo nawaaxigeeda,
Bosaso oo ah magaalo xeebeed deked ah, Ajaaniib iyo soomaali fara badani ay u soo ganacsi iyo xoogsi doonteen ayaa deegaanka baalade iyo deegaanadiisu waxay qabilaan xilliga Bad xiranka ee aysan waxba dhoofin dhammaan xoolaha kala duwan ee ku xayirma Maxjarada iyo xerooyinka magaalada  ee badu ka xirantay dhulal cawsaadyada la kaydshay ee deegaanku si waafi ah ayeey ugu filan yihiin dhammaan xoolaha dhoofka ka baaqday tan iyo inta la gaarayo xiliga bad furanka xiga, Runtiina arintaani muhiimad weyn bey u leedahay samata bixinta dhaqaalaha iyo duunyada ummada  soomaaliyeed Iyo in bosaso ahaato magaalo ganacsi ee soomaaliyeed ee gaamurta lehna damaanad qaad xaga nolosha iyo quudka Xoolaha.


Dhanka kale deegaanka waxaa ku yaal Ceelka shirkada "Gumco" oo ah shirkada keliya ee biyaha siisa magaalada bosaso dhowaanna waxaa la fili karaa in Isha weyn ee Gaaca oo ah qaybta dhexe ee deegaanka la gasoo qabto biyo nadiif ah oo macaan oo magaaladu cabto.

Intaas ayaan ku soo koobayaa qaybaha toga baalade uu ka koobanyahay iyo Ahmiyadaha uu u leeyahay nolosha ummada soomaaliyeed.  

FG: Qaybaha uu ka kooban yahay deegaanka baalade, Ahmiyadaha uu u leeyahay degaanku nolosheena Iyo meelaha loo isticmaalay magaca deegaanka lagu ma soo koobi karo qormooyin dhowr ah kumana dhama qormadan hase ahaatee si kooban ayaan Idiinku soo gudbinay ahmiyadaha deegaanka, qaybo kamida deegaanadiisa  Iyo meelaha lagu samiyay magiciisa.


Walaalayaal hadii aad rabtaan inaad soo gudbisaan macluumaad ku saabsan deeganka Baalade waxaad  ku soo diri kartaan
E-mail-kan.  
baalade7@gmail.com  

Qormadaan iyo qormooyin kale oo ku saabsan deegaanka  dhowaan waxaa la gelin doonaa barta Wikipedia.

           
              Dhamaaad


No comments:

Post a Comment